Cadeey oo bixi canshuurta
Halkan waxa aad ka aqrisan kartaa waxyaalaha ugu muhiimsan ee ku saabsan in la cadeeyo oo la bixiyo canshuur.
Marka aad hesho daqli ka sareeya heer cayiman waa inaad bixisaa canshuur. Waa midka adiga kusiinaya daqliga kan siinaya canshuurta hay’adda canshuurta. Canshuurta waa in laga sii jaraa marka aad helayso daqliga. Adiga waxa aad xaq uleedahay inaad hesho warbixinta mushaarka ama wax udhigma mar kasta oo aad adigu hesho daqli. Warbixinta waxay muujinaysaa inta canshuur aah ee bixiyuhu uu ka jaray.
Si canshuurtu unoqoto mid sax ah waxa aad ubaahan tahay inaad usoo gudbiso hay’ada canshuuraha cadaynta daqliga hal mar sanadkii. Waxa lagu magacaabaa inaad adigu cadaynaysid. Cadayntu waxay khusaysaa daqliga aad adigu heshay sanadkii lasoo dhaafay ka hor intaadan cadayn.
Marka aad soo cadayso waxa ay hay’adda canshuuraha xisaabinaysaa in canshuurtaadu ay ahayd sax. Ugu danbayn bisha disember sanadka aad aad cadaynaysid waxad ka helaysaa warqad hay’adda canshuuraha ”go’aanka kama danbaysta canshuurta” halkaas oo ay ku qoran tahay hadii adigu aad ubaahan tahay inaad bixiso canshuur dheeraada (canshuur dhiman) ama hadii aad dib uhelayso canshuur (dib usoo celin canshuur)
Qofkee ayaa soo cadaynaya?
Adigu mar walba waad cadaynaysaa hadii aad adigu hesho soo cadayn laguu soo diray. Cadayntu waxay kuugu imaanaysaa boostada ama sanduuqa waraaqaha digitaalka ah, hadii aad heysato mid noocaasa (Billo, Kivra ama Boostadayda hay’adaha dowliga).
Mararka qaar waad soo cadaynaysaa xitta hadii aadan adigu helin soo cadayntii
Hadii aadan adigu helin soo cadayntii waa inaad mar walba cadaysaa hadii aad adigu haa uga jawaabayso mid kamida jumladahan.
- Waxaad deganeyd waddanka Iswiidhan sanadkii 2025 oo dhan waxaana ku soo galay dakhli ka badan 24 872 karoon oo tusaale ahaan kaa soo gashay mushaar, shrikad aad leedahay ama lacagta waalidnimada.
- Waxaad deganeyd waddanka Iswiidhan qeyb ka mid ah sanadkii 2025 waxaana Iswiidhan kaa soo galay dakhli ka badan 100 karoon oo tusaale ahaan kaa soo gashay mushaar, shrikad aad leedahay ama lacagta waalidnimada.
- Adigu waxad ku lahayd iswidhen daqli hanti gaaraya 200 koroono ama in ka badan intii lagu gudajiray 2025. Daqli hanti waxa uu tusaale ahaan noqon karaa dulsaarka kayd ama faa’iido ka timid iibin saami ama waraaqo kale oo qiimo leh. Waxa kale oo ay noqon kartaa faa’iidada ka timaada iibka ama kiraynta guri.
- Adigu waxa aad lahayd daqli ka yimid shirkad dad yar lahaayeen intii lagu gudjiray 2025. Waxa ay tusaale ahaan noqon kartaa qaybin, macaash ama bedelsiin kale. Shirkad dad yari leeyihiin waxay noqon kartaa shirkad saamilay oo ay halkaas ugu badnaan afar qofood ay si wadajir ah uleeyihiin kala bar saamiga.
- Adigu waxa aad lahayd dhismo, ama qayb kamid ah dhismo, 1 janaayo 2025. Dhismo tusaale ahaan waa fiilo, guri xiliga firaaqada ama dhul banaan.
- Adiga waxa kusoo gaartay warqad ka timid hay’adda canshuuraha (ku amrid) ku saabsan in aad aad adigu soo gudbisi cadayntii. Ku amrid waxa ay kuugu imaanaysaa boostada ama sanduuqaada waraaqaha ee digitaalka.
Adiga waxa kale oo ubaahan kartaa inaad cadayso hadii adigu aad ka hesho daqli wadan kale oo aan ahayn iswidhen. Bogga cadaynta daqliga ka yimid dibadda waxaad ka helaysaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan taas.
Adiga degenaay dibadda sanadka oo dhan waxa mararka qaar lagaaga baahanayaa inaad ku cadeeyso iswidhen.
Maxaa ka mid noqonaya cadaynta?
Inta waxa ku yaala tusaalaha daqliyaad ka midka noqonaya cadaynta:
- mushaar iyo gunooyinka kale ee aad hesho ee la xiriira inaad adigu shaqaysay
- howlgab
- lacagta waalidka iyo lacagta waalidka ee ku meelgaarka ah
- dulsaarka kaydka tusaale bangi.
Inta waxa ku yaala tusaalaha daqliga aanan ka midka noqonaynin cadaynta:
- gunada la qabsashada, dheeriga la qabsashada iyo gunada guriga
- taagerada masruufka
- kaalmada caruurta, kaalamda guriga
- iyo dheeriga guriga lacagta waxabarashada ka timaada CSN.
Goormee ayaad cadaynaysaa?
Adiga waxa aad ubaahan tahay in aad usoo gudbiso cadaynta daqliga hay’adda canshuuraha ugu danbayn 4 maajo.
Hadii aad soo cadayso ugu danbayn 31 maarso waxa aad heli karaysaa hadii ay jirto dib usoo celinta canshuurta bilaaga abriilba. Balse markaas waxad adigu ubaahan tahay inaad ku cadaayso dhanka e-adeega, sms, ama adiga oo wacaya. Adigu ma samaayn karaysid wax bedelis ah. In tusaale ahaan la gudbiyo lifaaq waxa loo xisaabinayaa sida bedelis.
Hadii aad cadayso 31 maarso kadib waxa aad lacagta helaysaa ugu danbayn sanadka gudahiisa.
Hadii aad ubaahan tahay waqti dheeriya si aad ucadayso
Hadii aad ubaahan tahay waqti dheeriya si aad ucadayso waxa aad dalban kartaa waqti siin, markaas waxaad bedelkeeda cadyn karaysaa ugu danbayn 1 juun. Waxa aan ubaahan nahay in codsigaada waqti siinta ah uu nasoo gaaro ugu danbayn 4 maajo.
Adigu waxad udalban kartaa waqti dheeriya qaababkaan soo socda mid kamid ah:
- Adiga oo galaya bogga skatteverket.se. hadii aad haysato e-aqoonsi
- Adiga oo wacaya faahfaahinta canshuuraha, 0771-567 567 (kasoo wacaysid wadan kale +46 8 564 851 60
- Adiga oo soo booqanaya xafiiska canshuuraha.
Sidee ayaad ubuuxinaysaa cadaynta?
Midka bixinaya daqligaada waxa uu sida badan ku wargeliyaa hay’adda canshuuraha waxa aad heshay sanadka gudihiisa. Sidaas daadeed ayay hay’adda canshuuraha ay horey usoo buuxisay cadadka cadaynta aan kuu soo dirnay adiga. Lacagta aad ku arkaysid cadaynta waa daqligaada oo aan waxba laga jarin, daqligaadii ka hor inta aan laga jarin canshuurtii.
Hadii wax walba sax yihiin
Hadii waxa ku qoran cadaynta ay sax tahay, waxad ubaahan tahay keliya inaad saxiixdo oo aad soo gudbiso cadaynta. Hoos kasii aqri sida aad udiraysid cadaynta.
Hadii aad ubaahan tahay inaad wax ka bedesho ama aad waxku darto
Mararka qaar waxad ubaahanysaa inaad wax ka bedesho ama ku darto cadaynta. Waxay tusaale ahaan ku xirnaan kartaa in shaqo bixiyahaadii uu soo gudbiyo xog qaldan hay’adda canshuuraha ama aad iibisay guri ama waraaqo qiimo leh.
Hadii aad wax bedelayso ama aad ku darayso waxad ubaahan tahay inaad ku cadaysid dhanka e-adeega cadaynta daqliga 1 ama cadaynta warqadda ah. Si aad cadaynta wax uga bedesho e-adeeg waxad ubaahan tahay e-aqoonsi iswidhish ah. Mida laga reebayo waa ka jarista safarada ku ama ka socodka shaqada ee aad ka samayn kartid e-adeeg xitaa hadii ay la socdaan koodadka/nambarrada. Hoos kasii akhri sida aad udirayso cadaynta.
Ma heshay aasaaska ka jarista saxda ah?
Marka aad degen tahay ama ka shaqaynayso iswidhen waxaad inta badan xaq uleedahay aasaaska ka jaris. Aasaaska ka jarsta waa ka jaris ay hay’adda casnhuuruhu ku samayso daqligaada mushaarka, gunada ama waxyaalaha udhigma ka hor inta aan la xisaabin canshuurtaada. sidaas daraadeed waxay ka dhigan tahay in ka jaris inta badan in aad adigu ubaahan tahay inaad wax yar bixiso canshuur. Hadii aad leedahay shirkada shaqsiga ah waxa la xisaabinayaa aasaaska ka jarista xitaa daqliga ka yimaada howsha.
Ilaa iyo sanadka aad buuxinayso 67 waa uu sareeyaa aasaaska ka jaristra.
Sidan ayuu umuuqdaa xeerarka aasaaska ka jarista:
- Hadii aad degenayd oo aad ka heshay daqli iswidhen intii lagu gudajiray sanadka oo dhan waxa aad xaq uleedahay aasaaska ka jarista.
- Haddii aad degenayd dibadda qayb ka mid ah sanadka balse aad ku cadaysay iswidhen ugu yaraan 90 boqolkiiba daqligaada intii lagu jiray sanadka, waxad xaq uleedahay aasaaska ka jarista sanadka oo dhan.
- Hadii aad degenayd oo aadna daqli ka heshay iswidhen qayb kamid ah sanadka gudihiisa waxad xaq uleedahay aasaaska ka jarista bilihii aad degenayd halkan.
Hay’adda canshuuraha waxay inta badan samaysay aasaaska ka jirista cadayntaada marka aad adigu hesho. Hadii aanan samayn taas, ama ay adiga kula tahay in aasaaska ka jarista uu aad uhooseeyo, waxad ubaahan tahay inaad adigu ku qortid faahfaahinada dheeriga hoosteda inta bilood ee aad ka shaqaysay iswidhen intii lagu guda jiray sanadkii hore iyo inaad rabtid aasaaska ka jarista mudadaas.
Ma lahayd kharashaad oo aad ku heli kartid ka jaris?
Hadii aad lahayd kharashaad si aad u shaqayn karayso, waxad mararka qaar samayn kartaa ka jaris iyaga ah cadaynta dhexdeeda. Ka jarista waxay samaynaysaa in canshuurta ay noqonayso mid yar. Adigu waxa aad tusaale ahaan ka jaris ku helaysaa si aad:
- Adigu ubaahan tahay inaad safar deer u gasho kagana timaado shaqada
- Adigu inaaad degen tahay meel kale aan ahayn kan reerkada sababtuna ay tahay inaad ka shaqayso halkaas.
Ma leedahay shirkad shaqsiyadeed?
Hadii aad leedahay shirkad shaqsiyadeed waa inaad xitaa buuxisaa wax loogu yeero lifaaqa ganacsiga (NE -lifaaq) taas waxad la gudbinaysaa cadayntaada. Lifaaqa ganacsiga waxad ku buuxinaysaa xogta ku saabsan howsha shirkadaada. Lifaaqa ganacsiga waxa la yiraahdaa SKV 2161 oo waxa aad kasoo daabacan kartaa skatteverket.se ama inaad ka dalbato adigoo wacaya faahfaahinta hay’adda canshuuraha lambarka 0771-567 567.
Waxa jira tuse sida aad u buuxinayso cadaynta. Tusuhu waxa lagu helayaa iswidhish iyo ingiriis.
Sidee ayaad adigu ku diraysaa cadaynta?
Adigu waxad cadaynta ku diri kartaa mid ka mid ah hababkaan:
- Qaab sms
- Qaab wicitaana
- Dhanka e-adeeg ee cadaynta daqliga 1
- Qaab ah inaad dirto warqada cadaynta.
Qoraalada adeega sms, e-adeeg iyo cadaynta waa iswidhish. Hadii aad ku cadaynaysid adiga oo wacaya waxad warbixinta ku heli kartaa iswidhish ama ingiriis.
Koodadka cadaynta daqliga
Sida badan waxa jira koodad ku qoran cadaynta ee laguu soo diray. Koodadka waxad ku isticmaalaysaa si aad ucadayso.
Hadii adigu aadan helin koodad waxay inta badan ku xiran tahay in adigu aad ubaahan tahay inaad wax ka bedesho cadaynta.
Hadii aad dhumiso koodadka waan ka xunahay ma helaysid kuwa cusub. Waxa kale oo ay khusaysaa sidoo kale hadii koodadka ay shaqayn waayaan maxaa yeelay qof ayaa bedelay cadayntaada kadib markii ay buuxisay hay’adda canshuuraha.
Hadii aadan haysan koodad waxa aad cadaynta ku gudbin kartaa e-adeeg. Hadii kale hadii aad haysato e-aqoonsi waxad ku cadayn kartaa warqada cadaynta.
Qaabka sms
Adigu waad ku cadayn (dakhliga ku soo gala) kartaa qaab sms ah hadii dhamaan intani ay sax kuu yihiin adiga:
- Adigu waxad heshay cadaynta oo ay la socdaan koodad
- Adigu waxa kaliya oo aad ogolaanaysaa cadaynta.
- Adigu waxad leedahay rukun talefoonka gacanta oo iswidhish ah.
Sidan ayaad ugu cadaynaysaa sms:
- soo qabo cadaynta ooh ubi in wax walbaahi sax yihiin.
- Raadi koodadkaada shaqsiga. Waxa laga helayaa warqadda faahfaahinta ee cadaynta.
- Soo qaado koodka si aad ugu saxiixdo. Sms ugu dir 71144 lambarkaada shaqsiga ama midka udhigma. Ha ku qorin koodka wadanka ka hor 71144. Xitaa hadii aad ku sugan tahay wadan kale oo aan iswidhen ahayn. Ha ilaabin inaad inyar udhaxaysiiso lambarka shaqsiga iyo koodka saxiixa. Tusaale AAMMDDNNNN 99999999.
- Sug sms aad dib uheli doonto. Sms kaasi waxa uu xaqiijinayaa inaad adigu cadaysay. Waxa ay qaadan kartaa ilaa 10 daqiiqo ka hor inta aad ka helayso.
- Kaydso sms xaqiijinta ah.
Hadii koodka lagu saxiixayo uusan shaqaynayn waxay ku xiran tahayin wax laga bedelay cadayntaadi kadib markii laguu soo diray. Markaas waxad ubaahan tahay inaad ku cadayso dhanka e-adeeg ee cadaynta daqliga 1 ama warqada cadaynta.
Qaabka inaad wacdo
Adigu waxad ku cadayn kartaa adiga oo wacaya hadii aad hesho cadaynta oo ay la socdaan koodadka oo laguugsoo diray oo keliya ogolaanaya cadaynta. Sidan ayaad telefoonka ugu cadaynaysaa:
- Soo qaado cadaynta oo hubi in warbixinadu sax yihiin.
- Raadi koodadkaada shaqsiga. Waxa laga helayaa warqadda faahfaahinta ee cadaynta daqliga.
- Wac 020-567 100 (+46 8 764 92 40 hadii aad kasoo wacayso wadan kale oo aan ahayn iswidhen). Raac tilmaamaha ku duuban. Tilmaamaha waxad ku heli kartaa ingiriis ama iswidhish. Sug inta aad kadhex maqlayso talefoonka fariinta kuu aqrinaysa. Fariintu waxay xaqiijinaysaa in cadayntaadii ay timid. Fariintana waa la kaydinayaa. Markaas waad wici kartaa oo dib udhagaysan kartaa hadii aad rabto.
Dhanka e-adeeg
Hadii aad leedahay e-aqoonsi iswidhish ah waxad ku samayn kartaa dhamaan waxyaalaha la xiriira cadaynta e-adeeg ee cadaynta daqliga 1 (Inkomstdeklaration1).
Hadii aadan lahayn e-aqoonsi iswidhish ah, balse aad heshay cadaynta oo ay la socdaan koodadkii, waxad ku geli kartaa adeega koodadka aad ka helayso warqada faahfaahinta ee caddeynta. Halkaas waxad ka ogolaan kartaa cadaynta oo aad ka samayn kartaa ka jarista safarada ee markaas jira. Balse kama samayn kartid bedelo kale.
Sidan ayaad ugu cadaynaysaa e-adeega:
1. Ku gal e-aqoonsi ama koodka xaqiijinta qoonsiga ee aad adigu ka helayso warqadda faahfaahinta ee caddeynta. Adigu waxad kaloo ubaahanaysaa inaad ku qorto lambarkaada shaqsiga ama mid udhigma. E-adeegu waa af iswidhish.
2. hubi warbixinta ku qoran cadaynta oo sameey bedelka loo baahan yahay. Hadii aad adigu ku gashay koodadka waxad samayn kartaa ka jaris safarada lagu tagay ama looga yimid shaqada, balse kama samayn kartid bedelo kale.
3. ku ogolaaw cadaynta e -aqoonsi ama koodka ku saxiixida oo aad ka helayso warqadda faahfaahinta ee caddeynta. Adigu waxad si toosa uhelaysaa warqad oo muujinaysa in cadayntaadi ay timid hay’adda canshuuraha.
Warqada cadaynta
Hadii aad adigu cadaynaysid waxaad inta badan heshay warqad cadayn oo horey loo soo buuxshay oo warqad ahaan laguugu soo diray ama dhanka sanduuqa waraaqaha digitaalka, hadii aad leedahay mid noocaasa. Hadii aadan helin wax cadayn ah, balse aad ogtahay inaad wax cadaynayso, waxa aad wici kartaa faahfaahinta canshuuraha ama utag xafiiska adeega si aad uhesho warqada cadaynta.
Sidan ayaad ugu cadaynaysaa warqada cadaynta:
- Hubi warbixinta ku qoran cadaynta
- Hadii aad wax ka bedelaysid ku qor cadaka wadarta guud godka cad ee safka aad rabto inaad wax ka bedesho.
- Saxiix cadaynta.
- Bashqada ku dheji warqada yar eek u dirista oo kadib udir cadaynta
Skatteverket
Inlasningscentralen
Inkomstdeklaration 1
FE 8000
107 75 Stockholm
Hadii qof kale ubaahan yahay inuu kuu cadeeyo adiga
Adigu waad u ogolaan kartaa in qof kale kuu cadeeyo adiga hadii aad ogtahay inay ku adkaanayso adiga inaad samayso. Markaas waxad ubaahan tahay inaad hay’adda canshuuraha ka dalbato in shaqsi kuu noqon doono wakiilkaada cadaynta.
Dalbo ugu danbayn hal bil ka hor inta aadan adigu cadaynayso. Adigu waxad ka dalban kartaa e-adeega hay’adda canshuuraha wakiil iyo shuruud buuxiye ama qaab foom ah. Foomaka waxad ku heli kartaa luqadaha ingiriiska iyo iswidhishka. E-adeega waxa lagu helayaa keliya luqada iswidhishka.
Marka ay hay’adda canshuuraha ay ogolaato wakiilkaada cadaynta shaqsigu waxa uu kusii qornaanayaa diiwaanka hay’adda canshuuraha ilaa inta aad adigu kusoo wargelinayso hay’adda canshuuruhu inusan shaqsigu kuu sii ahayn wakiil.
Canshuur dib uhelis-dib ucelin canshuur
Kadib waqti aad adigu cadaysay waxad helaysaa go’aanka kama danbaysta ah ee canshuurta, oo la yiraahdo dib ucelintii canshuurta. Dib ucelinta casnhuurta waxay tusaale ahaan ku xirnaan kartaa in qofkii aad kahelaysay canshuurta uu kaa jaray canshuur fara badan.
Go’aanka kama danbaysta ah ee cashuurta waxa ku taala inta aad adiga laguu soo celinayo.
Sidee ama goormee ayaad adigu helaysaa dib usoo celinta canshuurta?
Si aad uhesho dib usoo celintaada canshuuraha waa inaad kusoo wargelisaa hay’ada canshuuraha lambarka bangigaada. Hadii aadan lahayn wax koonto bangi ah waxad wici kartaa faahfaahinta canshuuraha 0771-567 567 ama tag xafiiska adeega.
Hadii aad kusoo wargeliso lambarka koontada ugu danbayn markaad gudbinayso cadaynta daqliga waxad si toosa ugu helaysaa lacagta koontadaada. Hadiise aad mar danbe soo wargeliso lambarka koontada waxad ubaahan tahay inaad adigu warsato in lacagta laguugu shubo koontada. Taasna waxad ka samayn kartaa adigu oo ka wacaya faahfaahinta canshuuraha 0771-567 567 ama tag xafiiska adeega.
Kasoo wargelin lambarka koontada mid kamid bangiyada iswidhen
Hadii aad leedahay e-aqoonsi iswidhish ah waxad hay’ada canshuura kusoo wargelin kartaa lambarka koontadaada isla marka aad e-adeega ka cadaynaysid cadaynta daqliga 1. Adigu waxad kaloo koontada ka wargelin kartaa e-adeega ee koontada canshuuraha.
hadii aadan haysan e-aqoonsi iswidhish ah waxa aad hay’ada canshuuraha kusoo wargelin kartaa lambarka koontada. Taas waxad ku samayn kartaa mid kamid ah qaababkaan soo socda:
Wargelinta lambar koonto oo bangi dibada ah
Hadii aadan lahayn lambar koonto oo iswidhen ah waxad dib usoo celinta canshuurtaada ku heli kartaa koonto bangi oo dibada ah.sidan ayaad kusoo wargelinaysaa hay’ada canshuuraha koontada bangiga dibada.1. qor warqad ku saabsan in adigu aad soo wargelinaysid hay’ada canshuuraha koonto bangi oo dibada ah. Warqadana waa inay ku qornaadaan kuwaan:
- magacaada, lambarkaada shaqsiga ee iswidhen ama lambarka nidaamka iyo warbixinadaada xiriir ee ay hay’adda canshuuraha kaala soo xiriiri karto adiga.
- IBAN iyo BIC ee koontada bangiga dibada.
- Saxiixaada iyo magacaada oo dhamaystiran.
2. Diyaari cadayn asli ah oo kasoo baxday bangiga dibada. Cadayntu waa inaysan ka waynayn lix bilood oo ayna ku qoran tahay kuwan:
- Taariikhda marka la qoray cadaynta
- Magacaada iyo lambarkaada shaqsiga ama lambarkaada nidaamka
- Cinwaankaada iyo lambarkaada talefoonka
- IBAN iyo BIC ee koontada bangigaada
- Saxiixa qof ka shaqeeya bangiga iyo weliba magaca oo dhamaystiran
3. Udir warqada ay la socdaan warbixinadaadaa iyo cadaynta
Skatteverket
205 30 Malmö
Hey’adda canshuurta waxey isticmaashaa nr akoonka illaa aad akhbaar kale nagu soo wargeliso.
Bixi canshuur dheeraada- canshuur dhiman
Kadib waqti aad adigu cadaysay waxad helaysaa go’aankii kama danbaysta ee canshuurta. Markaas waxa ku taala inaad ubaahan tahay inaad canshuur dheeraada bixineyso, wax loogu yeero canshuur dhiman. Canshuurta dhimani waxay tusaale ahaan ku xirnaan kartaa in kan bixinayay daqligaada uu canshuur yar siiyay hay’ada canshuuraha.
Go’aanka kama danbaysta ee canshuurta waxaa sidoo kale ku qoran inta aad bixinaysid iyo goorta udanbaysay ee ay hay’ada canshuuraha ugu danbayn ubaahan tahay inay lacagaha hesho.
Goormee ayaad bixinaysaa?
Waxaad dhiibeysaa 90 maalmood gudahood laga billaabo marka aad hesho jawaabta ugu dambeyso ee canshuurta. Taariikhda ey tahay in ey lacagta ku jirto akoonka canshuurta waxaad ka heleysaa warqadda jawaabta ee canshuurta, balse adigu waad bixin kartaa isla marka aad hesho cadayntaadiiba.
Dulsaar
Sidee ayaad ku bixinaysaa?
Adigu waxad ku bixinaysaa dhanka bangijiiro ee lambarka bangijiiraha 5050-1055. Adigu waxa kale oo aad ku bixin kartaa Swish, balse waxad adigu ubaahanaysaa inaad gasho skatteverket.se kuna gasho e-aqoonsi iyo inaad raacdo tilmaamaha. Tilmaamuhuna waxay yihiin keliya af iswidhish.
Adigu waa khasab inaad ku bixiso iswidhish koroono. Ha ilaabin inaad hubiso sarifka qiimaha markaas jira.
Ku bixi dhanka bangijiiraha ee bangiga internetka
Adigu waxad ku bixin kartaa dhanka bangijiiraha ee bangiga internetkaada. Markaas waxad ku buuxinaysaa cadaka aad bixinaysid iyo lambarkaada OCR (lambar tixraac). Lambarka OCR waxa uu ku yaalaa go’aanka kama danbaysta ah ee canshuurta iyo cadayntaada daqliga.
Adigu waxad sidoo kale ka ogaan kartaa lambarka OCR adeega hay’ada canshuuuraha, oo keliya lagu helayo afka iswidhishka. Ku qor lambarkaada shaqsiga ama mid udhigma godka lambarka shaqsiga – lambarka shirkada ku taal. Kadibna riix godka xisaabi.
- Adeega hay’ada canshuuraha si loo ogaado lambarka OCR (luqada iswidhishka):
Ku bixi dhanka bangijiiraha ay la socoto kaarka ku bixinta
Hadii aad adigu ku bixinayso dhanka bangijiiraha kaarka ku bixinta ee horay loo sii buuxiyay waxa kaliya oo aad ubaahan tahay inaad ku buuxiso cadadka. Adigu waxa aad dalban kartaa kaararka kubixinta oo la sii buuxiyay adiga oo wacaya faahfaahinta canshuuraha ama utag xafiiska adeega.
Ka fikir inay maalmo bangi qaadaanayso ka hor inta aysan lacagtu gaarin hay’ada canshuuraha.
Kasoo bixin bangi dibada ah
Inaad kasoo bixiso bangi dibada ah waxa uu ushaqaynayaa isla sida looga bixinayo bangi iswidhish ah. Markaas waxad ubaahan tahay inaad warbixinadaan ku buuxiso.
- Lambarka IBAN: SE56 8000 0890 1196 4624 0516
- BIC/koodka Swift: SWEDESS
- Bangi: Swedbank AB, SE-105 34 Stockholm
- Qaataha lacagta: hay’ada canshuuraha SE-831 87 Ostersund
- Lambarkaada shaqsiga ama lambarka OCR
Hadii aad ubaahan tahay warbixino qotodheer oo ku saabsan cadaynta
Bogaga kale ee skatteverket.se waxa ku yaala warbixino qotodheer oo ku saabsan cadaynta daqliga. Waxa kaliya oo lagu helayaa luqada iswidhishka ama mararka qaar luqada ingiriiska.
Hadii aad adigu ubaahan tahay warbixin faahfaahsan oo aadan fahmayn qoraalada iswidhishka ama ingiriiska ah waxa lagugu soo dhawaynayaa oo aad soo booqan kartaa xafiis adeeg ama wac faahfaahinta canshuurta 0771-567 567.
