Boggan waxaad ka helaysaa macluumaad ku saabsan sida aad u samaynayso caddaynta dakhliga. Adigu waxaa kale oo aad ka helaysaa macluumaad ku saabsan cashuurta soo noqota iyo cashuurta haraaga ah.
Samee caddaynta ugu dambeyn 2 Maay.
Adigu waxaad caddaynta ku samayn kartaa qaabka sms haddii adigu
Tusaalaha lambarada sirta ah:
Adigu waxaad wargelinta ku samayn kartaa in aad wacdo telafoon haddii adigu
Tusaalaha lambarada sirta ah:
Adigu waxaad markastaba caddayntaada ku soo diri kartaa boosta caadiga ah. Haddii adiga oo kalya aad aqbalayso markaas waxaa ku filan in aad saxeexdo. Haddii aad wax ka baddelayso ama ku darayso waxaad u baahanaysaa in aad xitaa qorto tirada lacagta cusub kuna qorto afar-geeska cadaanka ah.
Marka aad dhammayso waxaad caddaynta ku diraysaa boosta una diraysaa:
Skatteverket
Inläsningscentralen
Inkomstdeklaration 1
FE 8000
107 75 Stockholm
Si aad luqadda u doorato riix CC filimka dhexdiisa.
Marka aad bixiso cashuur waxaad kaalmaynaysaa in bulshadu suurtagasho. Si cashuurtu sax u noqoto waxaad u baahantahay inaad samayso caddaynta dakhliga. Waa inaad samaysaa caddaynta dakhliyadaada ugu dambeyn 2 Maay.
Waxaad caddaynta dakhliga ku helaysaa boosta ama sanduuqaaga waraaqaha ee dijitaalka ah. Badankooda dakhliyadaada waanu ka warhaynaa anagu dhanka Hey’adda Cashuuraaha, tusaale ahaan waxaanu ka helnaa shaqo-bixiyahaaga, bangiga ama Qasnada Caymiska. Sidaas darteed dakhliyadan horey ayay ugu sii jireen caddaynta dakhliga ee aad adiga naga heshay.
Ka bilow inaad eegto in dhamaan macluumaadku yihiin sax.
Haddii wax walba sax yihiin oo aanad doonayn inaad samayso wax isbaddalo ah ama wax lagu daro, waxaad caddaynta dakhligan ku oggolaan kartaa dhanka BankID ama lambarada la socda caddaynta dakhliga. Tani waxaad sida ugu sahlan ku samaynaysaa app-ka Hey’adda Cashuuraha.
Waxaa kale oo aad caddaynta dakhliga ku samayn kartaa adigoo u maraya dhanka sms, soo wacid, isticmaalka adeeg elaktaroonig ah ama in foomka warqada ah naloo soo diro.
Miyaad iibisay guri ama saamiyo, ama miyaad tahay shirkadlay? Markaasi adiga laf ahaantaadu waa inaad baddasho ama wax ku darto macluumaadka ku jira caddaynta dakhliga. Gudaha adeegan elaktarooniga ah waxaanu ku diyaarinay lifaaq adiga laguugu talogalay halkaas oo macluumaad badan horey loogu sii buuxiya.
Haddii aad xaq u leedahay inaad ka jarto kharashyo, tusaale ahaan kuwa safarada lagu tago ee lagaga yimaado shaqada, waxaad u baahantahay in adiga laf ahaantaadu aad ku darto macluumaadkan gudaha caddaynta dakhligaaga. Ka fikir inaad marka hore eegto qawaaniinta loogu talogalay waxa la jarayo si ay sax u haato bilowga.
Marka aad samayso caddaynta dakhliga ayaanu eegaynaa macluumaadkaaga oo xisaabinaynaa cashuurtaada kama dambaysta ah. Marka aanu dhamaystirno ayaad helaysaa go’aankaaga cashuurta ee kama dambaysta ah. Halkaas ayaad ka arkaysaa haddii aad heli doonto cashuur kuu soo noqota ama aad bixin doonto cashuur harsan.
Adigaaga ay lacag dib kuugu soo noqonayso waxaad si toos ah ugu helaysaa xisaabtaada bangiga ee aad ka diiwaan-gelisay dhankayaga.
Haddii ay tahay inaad lacag bixiso waxaad u Hey’adda Cashuuraha ugu diraysaa bangi-jiiro ama dhanka Swish.