Miyaa adigoo Iswiidhan ka diwaangalisneen canug ku dhashay? Markaas adiga waxaad u baahantahay inaad soo buuxid foomka la dhaho Komplettering till födelseanmälan[Soo dhameystirida foomka diwaangalinta dhalasho] (oo lama soo turjumi) iyo dib ugu soo celi Hay’adda canshuuraha[Skatteverket].
Canugaaga inuu dhashay markaas baa ka diwaangalineynaa xafiiska Hay’adda canshuuraha. Waa arrin aad muhiim u ah canugaaga tusaale markaa u dalbeysid
• Codsiga magangelyodoonida oo canuga
• Codsiga baasaboor oo canuga
• Markaa canuga wadankale ka diwaangalineysid.
Aad bey muhiim u tahay inaad foomka ku soo qortid haddii qofka ku qabo Iswiidhan uu ka diwaangalsanyahay, oo markaas canugaaga xitaa waa laga diwaangalin.
Foomka waxaad ka heli isbitaalka qeybta foosha. Haddii adiga markaa meeshaas joogtid aadan buuxin waxaa laguugu soo diri cinwaanka aad siisay qeybta foosha. Adiga waxaad xitaa foomka ka heli xafiiska Hay’adda canshuuraha. Cinwaanada dhammaan xafiisyadaas waxaad ka heli bogga internetka qeybta la dhaho Kontakta oss[Nala soo xiriir], boggan dhinaca midigta oo korkaan.
Waa inaa foomka si sax usoo buuxisid. Aad bey u adagtahay in warbixinta aad soo gudbisid dib laga badalo.