Waraaqaddaha aqoonsiga oo la aqbalikaro
Waraaqaddaha aqoonsiga oo la aqbalikaro oo aad ku xaqiijin kartid qof ahaantaada waa kuwaan soo socda:
- Kaar aqoonsi ah oo hey’adda cashuurta bixisay
- Baasaboor Iswiidhish ah oo galkiisa guduudanyahay
- Kaar aqoonsiyeed oo qaranka iswiidhen
- Kaarka wadista gaadiidka oo iswiidhish ah
- Kaar aqoonsiyeed oo SIS calamadeeysan oo iswiidhish ah oo eey bixiyeen,
tusaale ahaan, bangi, shirkad, hey’add ama boostada iswiidhishka ah - Kaar shaqaalo (oo anan heysan calaamadda SIS) oo eey bixiyeen hey’add
dowladeed oo kale
Intaas waxaa sii dheer baasaboor yurubiyyan ah oo bilaabanaayo 1 Sebtembar
2006 oo ansax ah, waa waraaqad caddeyn ah oo aad isticmaali kartid marka
aad xaqiijineysid qofka aad tahay. Baasaboor yuruubiyyan ah waa baasaboor ay
bixiyeen wadamada kale ee yurub ku yaala oo ku koobayan wadajirka qaraarka
EG 2252/2004. Taas macnaheeda waxeey tahay waa in uu buuxiyo shuruudaha
ammaanka. Baasaboor yurubiyan ah waxaad ku aqooneysaa:

- Baasaboorka galkiisu guduudanyahay iyo qoraalka Ururka yurubiyaanka
(luuqadda ay doonto ha ahaatee) ugu qorantahay baalka hore. - Wuxuu leeyahay calaamad baayomeetriga ah (fiiri sawirkaan). Taas micnaheedu waa in uu leeyahay kaar yar oo leh baayomeetrig warbixin ah oo qofka ku saabsan, taas waxa weeye in uu leeyahay sifooyin qofka u gaar ah sida qofka farihiisa oo kale
Baasaboor ay bixiyeen wadamaha Islandiya, Leichtenstein, Noorwaay ama
Swizerland laga bilaabo 1 sebtembar 2006 waxay heystaan shuruudaha
ammaanka sida baasaboor yurubiyan ah oo kale, sidaas daraadeed bay iyaguna u
yihiin waraaqad caddeyn ah.
