På skatteverket.se använder vi kakor (cookies) för att webbplatsen ska fungera på ett bra sätt för dig. Genom att surfa vidare godkänner du att vi använder kakor. Vad är kakor?

För närvarande har vi vissa störningar i telefonin till skatteupplysningen.

Logotyp, till startsidan

Yaa dalban karo kaarka aqoonsiga?

Qofkii ka diiwangalsan dalka Iswiidhan oo buuxiyay 13 sano wuxuu ka dalban
karaa kaarka aqoonsiga Hey’adda cashuuraha. Waa in aad isku xaqiijin kartaa qof
ahaantaada, taas oo laga wado in aad caddeyn kartid qofka aad tahay. Qiimaha
lagu dalbanaayo kaarka aqoonsiga waa 400 oo karoon. Koow waa in aad bixisay
lacagta aad ku dalbaneyso kaarka intaanan imaan mid ka mid xafiisyaha kaarka
aqoonsiga dhiiba. Haddii aad 18 sano ka yar tahay waa in aad heeysatid
ogolaanshaha qofka masuulka kaa ah si aad u heshid kaarka aqoonsiga. Haddii
aad heeysatid labo qof oo mas’¨¨uul kaa ah waa in labadoodu ogolaanshaha
dhiibaan.

See baad u isticmaaleeysaa kaarka aqoonsiga?

Waxaad u isticmaaleeysaa kaarka aqoonsiga si aad u xaqiijisid sanadkaada
iyo si aad isu caddeeysid qofka aad tahay, tusaale ahaan markii aad daawo ka
doonaneysid farmashiyaha, ama markii aad tukaanka lacagtaada kaarka ku
baxsaneysid ama markii aad bangiga aadid.

Hey’ado badan, degmooyin iyo shirkado badan waxeey heystaan isticmaalka
howlaha elegtroniga oo shuruud u ah in aad shabakadda internetka iska
caddeysid. Sababtaas oo ah uu kaarka aqoonsiga u wataa caddeyn internetka oo
aad u isticmaali kartid in aad isku caddeysid elegtronig ahaan iyo saxiixaada.

Uma isticmaali kartid kaarka aqoonsiga beddelka baasaboorka markii aad
wadamaha kale u safreeysid. Kaarku wuxuu shaqeeynayaa shan sano.

Sidee baad u dalbaneeysaa kaarka aqoonsiga?

Sidaan baad u dalbaneeysaa kaarka aqoonsiga:

Horey u bixi lacagta aad ku dalbaneysid

Qiimaha lagu dalbanaayo kaarka waa 400 oo karoon. Waa in aad waqti fiican
horey u bixisaa, si aan lacagta u helnay inta aadan imaanin xafiiska Hey’adda
cashuuraha. Waxaad xusuusnaataa in eey qaadaneyso ugu yaraan hal maalin oo
maalmaha shaqada ah inta eey lacagta naga soo gaareyso. Meel dhigo rasiidka oo
aad ku bixisay lacagta sababta oo ah waa in aad na tustaa markii aad timaadid
xafiiska.

Waxaad lacagta ku bixisaa Bangigiiro 389-0100.

Haddii aad internetka lacagta kaga bixisid: Xusuuso in aad ku qortid tobanka
lambar ee caddeyneeysa dhalashadaada meesha fariinta. Tusi rasiidka ama
warqadda caddeynta aad kala soo baxday internetka markii aad timaadid xafiiska.
Lacagta waxaa aad u bixineysaa in eey Hey’adda cashuuraha fiiriyaan codsigaada.
Micnaheedu waxaa weeye in aan lacagtaada laguu soo celin karin haddii eey
tijaabinta Hey’adda casshuuraha keento in oo laguu diido dalabkaada.

Booqo mid ka mid xafiisyaha oo bixiya kaarka aqoonsiga

Si aad u codsatid waa in aad tagtaa mid ka mid xafiisyaha oo bixiya kaarka
aqoonsiga. Booqoshadaas aad na soo booqaneysid waa in aad wadataa waraaqad caddeynta oo aad ku bixisay lacagta aad ku dalbaneyso kaarka. Haddii aadan na tusi karin in aad lacagta horey u bixisay dalabkaaga ma’aan fiirin karno. Qofkii ka yar 18 sano waa in uu la’socdaa ugu yaraan hal qof oo mas’uul ka ah.

Warqadda foomka oo elegtroonig ah

Xafiiska waxaad ku buuxisaa foomka oo elegtroonig ah oo aad ku dalbaneysid
kaarka aqoonsiga. Warbixintaada waxaan ka baareynaa diiwaankeena. Marka uma baahnid warqadda caddaynta qofka.

Caddey qofka aad tahay

Marka aad xafiiska timaadid waa in aad xaqiijisid qofka aad tahay. Siyaabo kala
duwan baad arrintaas ku suubin kartaa:

  • In aad tustid waraaqad ku caddeyn ah oo ansax ah och la aqbalay
    ama
  • In aad u ogolaatid Hey’adda canshuuraha in ay isbarbardhigaan warbixintaada
    aad siisay warbixinta ay haystaan Laanta socdaalka
    ama
  • In aad soo kaxeysatid qof oo qoraal ahaan caddeyn karo warbixinta ku
    khuseeyso ee la xiriiro foomka oo foomkana saxiixo,– caddeyn bixiye.
    ama
  • In aad noo ogolaatid in aan samayno qiimeyn si wadajir ah loo miisaamay.
Yaa dalban karo kaarka aqoonsiga?
Skatteverket

Till toppen